DHAGEYSO:Xidhibaano ka tirsan isbeheysiga Azimio oo ka qaybgalayay dibadbaxyada oo la xiray

0
572

Xidhibaano ka tirsan isbeheysiga Azimio oo ka qaybgalayay dibadbaxyada oo la xiray
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka kana mid ah xulafada isbeheysiga Azimio sidoo kalena ah mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Ugunja Opiyo Wandayi iyo senetarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo ayaa lagu xiray bartamaha caasimadda dalka Nairobi ee CBD.
Siyaasiyiinta ayaa ka qaybgalayay dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka uu maanta ka billaabay wadanka kaas oo uu uga soo horjeedo dowladda dhexe.
Labada mas’uul ayaa lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi xilli ay qayb ka ahaayeen hoggaamiyayaal dhowr ah oo ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio oo ka qayb qaatay dibadbaxyada.
Waxaa sidoo kale siyaasiyiinta dibadbaxayada ka qaybgalaya ka mid ah senetarka dowlad deegaanka Nairobi Edwin Sifuna.
Tiro dad ah oo mudaaharaadayaal ah ayaa sidoo kale xabsiyada loo taxaabay maanta.
Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee isbeheysiga Azimio ayaa ku baaqay in la siidaayo xildhibaannada la xiray iyo sidoo kale mudaaharadayaasha xabsiyada loo taxaabay.

Saraakiisha booliiska ayaa dantu ku qasabtay inay adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha.
Dhammaan waddooyinka gala aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa ah kuwo go’doonsan oo ilaa saaka xiran.