Dhowr dhallinyaro ah ayaa lagu xiray agagaarka xarunta shirarka caalamiga ah KICC ee magaalada Nairobi.
Mudaaharaadayaasha la qabtay ayaa isku diyaarinayay si ay u billaabaan socodkooda ku aadaan inay aadaan xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda .
Sidoo kale booliiska ayaa afar qof ku xiray bannaanka maxkamadda sare ee dalka ee Supreme Court iyagoona la taxaabay xabsiga.
Booliiska ayaa sidoo kale agaagarka xarunta dowladda hoose ee City Hall ee magaalada Nairobi iyo dhismaha Kencom ku xiray dhowr qof.
Dhanka kale waxaa burbur qaybta hore ee muraayada la gaarsiiyay baabuur ay lahayd warbaahinta Naition xilli ay saaka dibadbaxyo ka billowdeen xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi.
Booliiska iyo dad mudaaharaadaya ayaa isku dhacay waddada Ngong ee magaalada Nairobi iyagoona lagu kala cayriyay sunta dadka ka ilmaysiisa.
Dhanka kale waddada mashquulka badan Oginga Odinga ee magaalada Kisumu ayaa wax dhaqdhaqaaq ah ka socon iyadoo inta badan dukaamada ay wali xiran yihiin.
Dadka ku sugan Nairobi ayaa maanta si weyn taxadar u muujinayaan iyadoona uusan socodka badneyn