Ururka horumarka haweenka oo wada hadal ugu baaqay Raila iyo Ruto

0
297

Ururka horumarinta haweenka dalka ee (MYWO) ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ugu baaqay inay wada hadlaan.
Ruto ayay kula taliyeen inuu la xiriiro Raila si looga hor tago saameyn ka dhalan karto mudaaharaadyada berri ee qorsheysan.
Waxaa baaqan soo saaray hoggaanka ururka horumarinta haweenka oo ay hor kacaysay guddoomiyahooda Rahab Muiu oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia.