DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo si adag uga hadlay dibadbaxa ay mucaaradka qorsheynayaan

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Kapsabet ee ismaamulka Nandi waxaa uu ka hadlay mudaharaadyada ay siyaasiyiinta mucaaradka qorsheynayaan inay maanta ka billaabaan guud ahaan wadanka.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo uu ku tilmaamay shakhsi isku daya inuu dowladda ugu biiro qaab sharci darro ah.
William Ruto ayaa sheegay inuu dhageystay dalabaadka mucaaradka oo aynan jirin sabab wax ku ool ah oo ay u cuskan karaan dibadbaxyada qorsheysan oo aan ka ahayn inay doonayaan burburinta hantida shacabka.
Waxaa uu Raila ku eedeyay inuu aad ugu dhawaa maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta oo uu madaxweynaha qabo inuu sababay hoos u dhaca dhaqaale ee dalka ka jiro oo halkii sano ee ugu dambeeyay la lunsaday 34 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aanan marnaba la oggolaan doonin in rabshad la abuuro oo khalkhal geliyo habsami u socodka horumarka qaranka.