Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 500 oo qof oo ku dhintay duufaan saameysay saddex...

In ka badan 500 oo qof oo ku dhintay duufaan saameysay saddex dal

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 522 ruux ka dib markii duufaanta Freddy ay ku dhufatay waddamada Malawi, Mozambique iyo Madagascar.
Maamullada dowladda Malawi u qaabilsan maareynta musiibooyinka ayaa tirada dhimashada ee ay diiwaangeliyeen ku sheegay 438 waxaana dalkaasi weli ka jiro baroordiiq soconaya 14 cisho oo uu Khamiistii ku dhawaqay madaxweyne Lazarus Chakwera.
Gudaha dalka Mozambique, dhimashadu waa ugu yaraan 67 qof sida laga soo xigtay madaxweyne Filipe Nyusi oo sidoo kale sheegay inay barakaceen 50,000 oo dheeraad ah.
Dalka Madagascar, ugu yaraan 17 qof ayaa u dhintay saameynta duufaanta.
Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay sii kororto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments