Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliiska Nairobi oo diiday in mucaaradka ay dibadbax ka sameeyaan caasimadda dalka

Booliiska Nairobi oo diiday in mucaaradka ay dibadbax ka sameeyaan caasimadda dalka

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya aan loo fasaxin inuu berri mudaaharaad ka sameeyo gudaha magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Shir jaraaid oo uu maanta qabtay ayuu taliyaha ka sheegay in mucaaradka uunan ka soo bixin shuruudo laga doonayay sida inay xilli hore qorshahooda ku wargeliyaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu xusay in Raila iyo xulafadiisa laga doonayay inay wargelintan gudbiyaan ugu yaraan saddex maalmood ka hor taasina aynan sameyn.
Taliyaha ayaa sheegay in lala wadaagay labo codsi oo ka yimid guddiga ganacsatada ee Nairobi iyo Mucaaradka.
Codsiyadan ayaa sida uu sheegaya taliyaha booliiska ee Nairobi laamaha ammaanka loo bandhigay galinkii dambe ee shalay iyo saaka sidaas awgeedna lama ansixin maadaama lala soo dib dhacay.
Hasa ahaate waxaa arrintan beeniyey xisbiga ODM oo bayaan soo saaray.
Waxaa bayaanka ku cad in 17-kii bishan Saddexaad uu guddoomiyaha golaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Wycliffe Oparanya uu warqad u qoray taliyaha saldhigga dhexe ee booliiska Nairobi isagoo u sheegaya inay 20-ka bishan dibadbax dhigi doonaan sidaasi awgeedna ay doonayaan in laga sii war qabo oo amnigooda la xaqiijiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments