Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaarisay tallaabooyin lagu xaqiijinaya in aan wax dhibaato ah la gaarsiin shacabka iyo hantidooda xilliga ay socdaan dibadbaxyada mucaaradka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo waafaqsan xeerarka dastuuriga ee dalka.
Gachagua ayaa kenyaanka ku boorriyay in berri ay sidii caadiga ahayd u wataan howlahooda shaqo oo aan la cabsi gelin.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay khakhal geliso nidaamka wax lagu maamulo iyo xasiloonida guud.