DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inay dibadbax dhigayaan ilaa inta laga xallinaya tabashooyinkooda

0
278

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in dibadbaxa ay berri ka billaabayaan guud ahaan wadanka uunan ahayn mid hal maalin ku eg.
Waxaa uu wacad ku maray inay mudaaharaadyo sameyn doonaan iyo tallaabooyin kale ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka dhaqangelinayso dalabaadkooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay inay doonayaan in maamulka madaxweyne William Ruto uu qaado tallaabooyin degdeg ah oo hoos loogu dhigaya qiimaha sare ee maciishadda, in la furo keydka doorashada ee guddiga IEBC sidoo kalena in la joojiyo geeddisocodka shaqaaleysiinta guddoomiyaha iyo saraakiisha cusub ee guddiga doorashooyinka.
Raila Odinga ayaa cadeeyay in haddii marka la furo keydka doorashooyinka ee IEBC ay soo baxdo in madaxweynaha dalka William Ruto uu si cadaalad ah ku guulaystay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay fursad u siin doonaan inuu sii ahaado hoggaamiyaha dalka ilaa codeynta xigta ee sanadka 2027-ka maadaama uu hadda aaminsan yahay in sanadkii hore doorashada la musuqmaasuqay.

Mr. Odinga oo sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka aynan weli wada hadlin ayaa dhanka kale beeniyay inuu doonaya heshiis siyaasadeed oo la mid ah midkii sanadkii 2018-kii dhex maray isaga iyo hoggaamiyihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta.
Madaxa Azimio ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan daneynayn maamul qaybsi balse keliya ay rabaan in loo cadeeyo in Ruto uu si xalaal ah ugu guulaystay xilka madaxtinnimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay fududeysatay wax ka qabashada tabashooyinka mucaaradka taasina ay keentay inay mudaaharaad qorsheeyaan.

Sidoo kale waxaa uu madaxweyne Ruto ku dhaliilay inuunan ka falcelin hadal uu jeediyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo isbarbardhig ku sameeyay shirkad iyo maamulka dowladeed.

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Raila Odinga oo la waydiiyay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha kala hadlo qodobbada ay saluugsan yihiin ayaa ku jawaabay in tani ay suurtageli karto keliya marka ay mudaaharaadka sameeyaan ka dib.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here