Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Gobolka Tigray ee Itoobiya oo yeeshay hoggaamiye ku meel gaar ah

Gobolka Tigray ee Itoobiya oo yeeshay hoggaamiye ku meel gaar ah

Xisbiga ugu xubnaha badan ee gobolka waqooyi ee Tigray dalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay hoggaamiye cusub si ku meel gaar ah ugu magacaabeen gobolkaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii colaad labo sano gobolkaasi ka taagnayd lagu soo afjaray heshiis nabadeed.
Xoogagga horeynta dadweynaha Tigray ee (TPLF) ayaa afhayeenkoodii Getachew Read u magacaabay madaxa gobolkaasi.
Haddii ay tallaabadan ansixiso dowladda federaalka ee Itoobiya waxaa uu beddeli doonaa madaxii TPLF Debretsion Gebremichael, oo xilkan hayay tan iyo sanadkii 2018-kii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in afhayeenka dowladda dhexe ee Itoobiya Legesse Tulu uunan weli arrintan ka hadlin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments