Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Ken Lusaka ayaa dhaliilay qorshaha ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ku doonayaan inay berri dibadbaxyo uga sameeyaan guud ahaan wadanka.
Madaxdan ayaa Raila Odinga ugu baaqay inuu meesha ka saaro qorshaha la xiriira mudaaharaadka.
Siyaasiyiinta ayaa dhanka kale dhallinyarada ku boorriyay inaynan ka qayb qaadan dibadbaxyada .
Hoggaamiyaashan ayaa arrintan ka hadlay xilli ay ka qayb galeen aaska madaxii hore ee maamulka isgaarsiinta dalka Injineer Francis Wangusi oo ka dhacay deegaanka Kanduyi.