Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila oo sheegay in berri aynan socdaal toos ah ku tagi doonin...

DHAGEYSO:Raila oo sheegay in berri aynan socdaal toos ah ku tagi doonin madaxtooyada

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ka hadlay mudaaharaadyada uu isbeheysigan qorsheeyay inay dalka oo dhan ka dhacaan berri.
Waxaa uu sheegay in kaliya dhowr ergo oo ka socda garabka siyaasadeed ee mucaaradka loo diri doono xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi.
Wareysi uu siiyay taleefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Mr. Odinga ku sheegay in isbeheysiga Azimio iyo taageerayaashooda aysan si sharci darro ah ku tagi doonin madaxtooyada.
Hasa ahaate wakiilladooda ayay halkaasi u diri doonaan si ay ugu gudbiyaan cabashadooda madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu dhanka kale Raila xusay in iyaga oo uu matalaya barasaabkii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya uu xilli horeba ku wargeliyay taliyaha guud ee booliiska dalka Japhet Koome in isbeheysiga mucaaradka uu guud ahaan wadanka ka sameyn doono mudaaharaadyo nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments