Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Ruushka oo tagay magaalo ka tirsan Ukraine

Madaxweynaha Ruushka oo tagay magaalo ka tirsan Ukraine

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa safar ku tagay magaalada Mariupol ee wadanka Ukraine oo ka mid ah meelaha ay la wareegeen ciidamada militari ee xukuumadda Moscow.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa ku warramaysa in Putin uu la hadlay shacabka halkaasi ku nool.
Magaalada Mariupol oo hoos tagto gobolka Donetsk ayay dowladda Ruushka qabsatay bishii Shanaad ee sanadkii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay amartay in la soo xiro madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin si loogula xisaabtamo falal dambiyeedyo la sheegay in ciidamada dowladiisa ay ka gaysteen gudaha Ukraine oo ay in ka badan hal sano ka wadaan duullaan militari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments