Shaqaalaha waaxda socdaalka ee Ingiriiska oo shaqo joojin sameynaya

0
317

Shaqaalaha bixiya baasaboorka Ingiriiska ayaa lagu soo warramayaa in badankoodu laga billaabo bisha dambe ay guda geli doonaan shaqo joojin la qorsheeyay inay socoto 5 isbuuc.
In ka badan 1,000 howlwadeeno ah ayaan goobahooda shaqo iska xaadirin doonin inta u dhexeysa 3-da bisha Afaraad ilaa 5-ta May.
Waxay ka howlgalaan xafiisyo ku yaalla magaalooyinka London, Liverpool iyo Glasgow.
Bayaan uu maanta soo saaraya urur ay ku mideysan yihiin ayaa shaaca looga qaaday inay qabaan cabashooyin dhanka musharaadka ah oo u baahan in la xalliyo.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa shaqo joojin sameynayay shaqaalaha Ingiriiska oo dalbanaya mushaar kordhin iyagoo cabasho ka muujinaya sicir bararka jira.