Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dhaqaalaha Sri Lanka oo sanadkii hore hoos u dhacay ku dhawaad boqolkiiba...

Dhaqaalaha Sri Lanka oo sanadkii hore hoos u dhacay ku dhawaad boqolkiiba 8

Dowladda dalka Sri Lanka ayaa diiwaangelisay in sanadkii hore uu jiray hoos u dhac dhaqaale oo gaaraya boqolkiiba 7.8.
Sida ku cad macluumaadka dowladda wadankaasi , Sri Lanka ayaa la daala dhacaysa culeyskii maaliyadeed ee ugu sarreeyay muddo toddobaatan sano ah.
Waxaa la saadaalinaya in dhaqaalaha Sri Lanka uu sanadkan hoos u sii dhici karo boqolkiiba 3 sida uu shaaciyay adeegga maalgashiga ee Moody’s in kastoo ay jirto rajo ah in sanadka dambe uu dhaqaalaha kobco.
Waxaa wadanka Sri Lanka bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ka jiray sicir barar dhan boqolkiiba 69.8 in kastoo bishii labaad ee sanadkan uu heerka sicir bararka noqday boqolkiiba 50.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments