Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Qin Gang ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro duullaanka militari ee in ka badan hal sano uu Ruushka ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Waxaa uu dhigiisa dalka Ukraine Dmytro Kuleba u sheegay in xukuumadda Beijing ay walaac ka muujinaysa in dagaalka uu faraha ka sii baxaya .
Waxaa uu Qin ku taliyay wada hadallo xal siyaasadeed lagu raadinaya oo lala yeelanaya madaxda xukuumadda Moscow.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in dowladda Shiinaha ay doonaysa in horumar laga gaaro wada xaajoodyada nabadeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa arrimahan shaaca ka qaaday waxaana bayaanka ku xusan in Qin iyo Kuleba uu dhex maray wada hadal dhanka taleefoonka oo naadir ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ukraine Dmytro Kuleba ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo dhigiisa Shiinaha ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax bannaanida dhuleed iyo in Beijing ay taageersan tahay qorshaha nabadeed ee madaxweyne Volodymyr Zelenskyy oo ka kooban toban qodob.