Warbixin laga soo saaray baaritaano ay hormuud ka ahayd qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Ruushka ay gudaha wadanka Ukraine ka gaysatay dembiyo dagaal.
Duullaanka militari ee ay ciidamada xukuumadda Moscow ka wadaan Ukraine ayaa socdo in ka badan hal sano.
Dembiyada Ruushka loo tiirinaya waxaa ka mid ah carruur la afduubtay.
Waxaa warbixinta soo saaray guddiga caalamiga ee xaqiiqa raadinta ee loo igmaday inuu eego xadgudubyo laga soo tabiyay xukuumadda Kyiv.
Falalka qaar ayaa lagu tilmaamay tacaddi ka dhan ah xuquuqul aadanaha.