Wasiir Kindiki oo sheegay in ciidamada Rift Valley aynan gaysan doonin xadgudub

0
344

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada howlgalka amni ka fulinaya 6-da ismaamul ee waqooyiga gobolka Rift Valley aynan ku xadgudbi doonin xuquuqda shacabka halkaasi ku nool.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah burcadda loo waji doono qaab waafaqsan dastuurka dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanan marnaba la bartilmaameedsan doonin rayidka aan ku lugta lahayn falalka burcadnimo ee isugu jiro dilalka iyo dhaca xoolaha.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa intaasi ku daray in maamulka madaxweyne William Ruto uu xaqiijinaya in howlgallada amni aynan sababi doonin barakac shacab.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii shalay guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR Roseline Adede ay dowladda dhexe ugu baaqday inay tixgeliso xuquuqda aasaasiga ee dadweynaha iyadoo xita lala dagaallamaya burcadda.