Xubnaha aqalka sare ee Maraykanka ayaa Michael Alan Ratney u ansixiyay inuu noqdo safiirka cusub ee xukuumadda Washington ku matali doono boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Ratney, ayaa waxaa xilkan u soo magacaabay madaxweyne Joe Biden waxaa uuna hadda ka howlgalaa machadka waaxda adeegga arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Ratney ayaa ballan qaaday inay ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka labada dhinac.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu ku dadaali doono iskaashi Sacuudi Carabiya looga taageeraya dhanka amniga, tababarrada iyo difaaca si loo joogteeyo saaxiibtinnimada labada dal.