In ka badan 21 qof oo ku dhimatay shilkii markabka ee Gabon

0
126

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ugu yaraan 21 ruux ka dib markii 9-kii bishan uu markab ku qallibmay dalka Gabon.
Dhimashada ayaa sii korortay ka dib markii hay’adaha samatabixinta ay soo saareen 15 meydad dheeraad ah.
Markabka oo ku qallibmay xeebta galbeed ee wadanka Gabon ayaa siday 161 rakaab ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markabka uu ka soo ambabaxay caasimadda dalka Gabon ee Libreville oo uu ku wajahnaa magaala xeebeedda Port-Gentil ka hor inta uunan ku gadoomin meel u dhow tuulada Nyonie .
Madaxa howlaha samatabixinta Bekale Meyong ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 124 qof .
Dowladda dalka Gabon ayaan weli ka hadlin sababta ka dambeysay shilkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here