Hay’adda Haki Afrika oo doonaysa in la baaro cabasho ka timid xildhibaanka Nyali

0
347

Hay’adda u ololeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika ayaa laamaha ammaanka ka dalbatay inay baaritaano degdeg oo qoto dheer ku sameeyaan cabasho ka timid mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasigan uu baraha bulshada ku sheegay in lagu bartilmaameedsaday weerarkii shanaad ee la doonayay in looga takhaluso.
Maxamad Cali ayaa soo bandhigay sawirro u muuqdo in rasaas lala eegtay mid ka mid ah daaqadaha xafiiskiisa Mombasa.
Waxaa uu xildhibaanka hoosta ka xarriiqay in noloshiisa ay halis ku jirto.
Agaasimaha hay’adda Haki Afrika , Xuseen Khaalid ayaa bayaan ku sheegay in tani aan la fududeysan Karin.
Waxaa uu dowladda dhexe ugu baaqay inay adkeyso amniga mudanaha Nyali.
Xuseen Khaalid ayaa sidoo kale ku taliyey in booliiska ay ku dadaalaan in baaritaannada ka dib lala xisaabtamo cidii falkaasi ka dambeysay.