Ururro dhaliilay dalabaad ka yimid Raila Odinga

0
301

Ugu yaraan 82 koox oo matalaya xisbiyada kala duwan oo ku mideysan guddiga isku xirka xisbiyada ee (PPLC) ayaa dhaliilay arrin uu dhawaan dalbaday madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa doonayo in meesha laga saaro guddiga la soo dhisay ee shaqaaleysiinaya saraakiisha cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Mr. Odinga ayaa ku doodaya in guddigan uunan ahayn mid loo dhan yahay oo uu fulin doono keliya danaha dowladda dhexe.
Hasa ahaate ururradan ayaa sheegaya in dalabka Raila Odinga uu yahay mid aan loo qiil dayi karin.
Waxay sheegeen in isbeheysiga Azimio uu matalaad dhameystiran ku leeyahay guddiga la soo magacaabay ee uu ansixiyay madaxweynaha dalka William Ruto.