Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 100 qof oo ku dhintay duufaanta Malawi iyo Mozambique

In ka badan 100 qof oo ku dhintay duufaanta Malawi iyo Mozambique

Ugu yaraan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ilaa iyo hadda ku dhinteen dalalka Malawi iyo Mozambique oo ay saameysay duufaanta Freddy.
Saameynta ugu badan waxay soo gaartay wadanka Malawi oo laga diiwaangeliyay ugu yaraan 99 dhimasho ah.
134 qof oo kale ayaa dhaawacmay halka 16 kale weli la la’yahay.
85 ka mid ah kiisaska dhimasho waxaa laga xaqiijiyay magaalada caanka ku ah ganacsiga ee Blantyre ee wadanka Malawi.
Guddoomiyaha sare ee waaxda Malawi u qaabilsan maareynta musiibooyinka Charles Kalemba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan in khasaaraha uu sii kordho.
Gudaha dalka Mozambique, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay halka 14 kale ay dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments