Senatarka ismaamulka Makueni Dan Maanzo ayaa wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiang’i u soo jeediyay inuu maxkamadda geeyo dacwad ka dhan ah dowladda dhexe.
Waxaa uu Maanzo ku doodaya in waaxda dambi baarista ee DCI-da ay Matiang’i ula macaamishay qaab aan wanaagsanayn.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu senatarka Makueni xusay inay qasab tahay in la iskula xisaabtamo adeegsiga khaldan ee booliiska.
Matiang’i ayaa loo haystay inuu horraantii bishii hore sheegay in laamaha ammaanka ay howlgal ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi taasoo lagu tilmaamay been abuur.
Waxaa maalmo ka hor looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista si uu u qoro farriin.
Balse agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in DCI-da ay xirto gal dacwadeedka Matiang’i maadaama aan la hayn caddeymo wax ku ool ah oo kiiskan loo cuskan karo.