Madaxda diimeed oo wada hadal ugu baaqay madaxweynaha iyo mucaaradka

0
283

Madaxda diimeed ee dalka ayaa madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu billaabo wada hadal uu la yeelanaya hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin kaniisadaha dalka ee (NCCK) iyo ururrada matalo muslimiinta sida SUPKEM iyo NAMLEF ayaa baaqan soo saaray.
Waxay sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda dalka ka taagan aynan dani ugu jirin horumarka qaranka.
Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay xaqiijin doonto in diiradda la saaro danaha dhammaan shacabka.
Sidoo kale NCCK ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ugu baaqday inay ka laabtaan qorshahooda ku aaddan in 20-ka bishan ay guud ahaan wadanka ka dhigaan dibadbaxyo waawayn.