Madaxweynaha dalka iyo dhigiisa Talyaaniga oo kulan yeeshay

0
221

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay dhigiisa wadanka Talyaaniga Sergio Mattarella.
Mas’uulkan ayaa galinkii dambe ee shalay Kenya ku yimid booqaasho rasmi oo qaadanaysa 4 cishe.
Kulanka maanta ee labada madaxweyne ayaa ahaa mid lagu xoojinaya iskaashiga labada waddan ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla eegay sida dowladahooda ay iskaga kaashan karaan arrimaha horumarka sida biyaha , dalxiiska iyo wax soo saarka beeraha.
Mattarella ayaa sidoo kale Jaamacadda Nairobi ka jeedin doono khudbad ku saabsan isbeddelka cimillada.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaciyay in dhigiisa Talyaaniga uu booqasho ku imaan doono Kenya wuxuuna tilmaamay in tani ay sii xoojin doonto wada shaqeynta dalalkan.