Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sameeyay ballanqaad ka dib markii walaac laga muujiyay xaaladda bangiyada wadankaasi.
Waxaa uu Biden xusay in xaaladda aynan ahayn sida looga dayrinaya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay burbureen labo ka mid ah bangiyada waawayn ee Maraykanka.
Waxaa uu madaxweyne Biden sheegay in la ilaalinaya hantida macaamiisha balse laga doonaya inay ku kalsoonaadaan hannaanka maaliyadeed ee dalkooda.




