Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen ka dib markii duufaanta loo yaqaano Freddy ay ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Malawi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay markii labaad hal bil gudaheeda.
Hay’adda saadaasha hawada ee caalamka ee WMO ayaa laga soo xigtay in duufaantan ay ka mid tahay kuwa ugu xooggan ee abid laga diiwaangeliyay dhanka Koonfureed.
Sabtidii ayay duufaanta ku dhufatay bartamaha wadanka Mozambique iyadoo guriyo badan saqafka ka qaadday ka hor inta aynan u sii gudbin Malawi oo roobab ka da’ay awgood uu dhul go’ saameeyay.
Booliiska Malawi ayaa laga soo xigtay in 11 ruux ay ku dhinteen meelaha u dhow magaalada Koonfureed ee Blantyre halkaasi oo roobabka ka da’ay ay daadad ka dhasheen.




