DCI-da oo la faray inay daaqadda ka tuurta kiiska Fred Matiangi

0
264

Waaxda dacwad oogidda dalka ee ODPP ayaa amartay dhigeeda dambi baarista ee DCI-da in ay xiraan gal dacwadeedka wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiangi iyo qareenkiisa Danstan Omari iyagoo daliishanaya inaynan jirin caddeymo ku filan.
ODPP ayaa sheegtay in caddeymaha la keenay aysan buuxin heerkii loo baahnaa si loo caddeeyo dambiyada lagu soo eedeyay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha wadanka.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in aan tallaabo kale oo booliis ah laga qaadin karin Matiangi iyo qareenkiisa Omari.
“Markii si madax bannaan oo si qoto dheer loo falanqeeyay caddeymaha la helay, islamarkaana dib loo eegay hadalladii marqaatiyaasha, agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji wuxuu ogaaday in caddeymaha la keenay aynan ku filneyn in dacwad lagu soo oogo Dr. Fred Matiang’I,” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay waaxda dacwad soo oogidda
7-dii bishan ayay ahayd markii waaxda DCI-da ay dhigeeda dacwad oogidda u gudbisay gal dacwadeed si ay u baarto oo ay talo uga bixiso eedeymaha ka dhanka ah Dr. Fred Matiangi oo lagu eedeyay inuu gudbiyay maclumaad been abuur ah ka dib howlgal uu bishii hore sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here