Ruushka oo sheegay inuu 210 sarkaal ku dilay Ukraine

0
212

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa sheegtay in gobolka Donetsk ee dalka Ukraine lagu dilay 210 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee xukuumadda Kyiv.
Hasa ahaate Ruushka ayaan caddeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay howlgallada magaalada Bakhmut oo dhinaca bariga uga beegan Donetsk oo hadda u muuqato mid la cidleeyay.
Dhanka kale afhayeen u hadlay ciidamada militariga ee Ukraine oo lagu magacaabo Serhiy Cherevatyi ayaa laga soo xigtay in magaalada Bakhmut looga takhalusay 221 askari oo taabacsan Ruushka halka la dhaawacay in ka badan 300 oo kale.
24-kii bishii labaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Ruushka uu duullaan militari oo weli socdo uu ku qaaday dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here