DHAGEYSO:Wasiirrada difaaca iyo iskaashatooyinka oo dhaliil u jeediyay Raila Odinga

0
357

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa horumarinta ganacsiyada yaryar Simon Chelugui ayaa madaxa mucaaradka Raila Odinga ku dhaliilay dibadbaxyo uu sheegay inay gudaha wadanka ka billaabi doonaan 20-ka bishan Saddexaad.
Ducaale iyo Chelugui ayaa hoosta ka xarriiqay in Mr. Odinga iyo xulafadiisa isbeheysiga Azimio ay doonayaan inay mudaharaad sameeyaan si looga mashquulo baaritaannada ku aaddan khaladaad dhacay xilligii maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Wasiirka difaaca ayaa tusaalooyin u soo qaatay dilal sharci darro ah oo la gaystay iyo shakhsiyaadka dalka laga musaafuriyay.
Wasiirka iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ayaa dhankiisa xusay in Mr. Odinga uu kaalin ku lahaa dhibaatooyinka sida dhaqaale xumida ee hadda dalka uu wajahaya.