In ka badan 3 qof oo ku dhaawacmay toogasho ka dhacday Israa’iil

0
397

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa laga dhex arkaya ciidamo booliis iyo shaqaale caafimaad oo goobta ku sugan.
Toogashada ayaa laga gaystay meel u dhow maqaaxi ku taalla isgoyska waddooyinka Dizengoff iyo Ben Gurion sida uu qoraya wargeyska Times of Israel.
Booliiska Israa’iil ayaa laga soo xigtay in qofkii weerarkaasi gaystay laga takhalusay.
Hasa ahaate laamaha ammaanka ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta keentay toogashada laga soo tabiyay magaalada Tel Aviv.