Kindiki oo ka hadlay kiiska Matiang’i

0
277

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in baaritaannada ka dhanka ah wasiirkii isaga ka horreeyay Dr.Fred Matiang’i loo sameeyay si waafaqsan dastuurka dalka.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay qadarinaysa madax bannaanida waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo xafiiska dacwad oogidda sidaas awgeedna aynan arrintan qaab siyaasadeysan u faragelin doonin.
Kindiki ayaa xusay in Matiang’i loola macaamilay sida caadiga ah ee dadka lagu tuhmo falal dambiyeedyada oo aan lagula kicin bartilmaameedsi gaar ah.