Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa galabta ku dhawaaqay in ay billowdeen mudaaharaadyo waaweyn iyo kacdoon shacab oo dalka oo dhan, kaasoo looga soo horjeedo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza, ka dib markii ay dhammaatay muddo 14 cisho oo ay siyaasiyiinta mucaaradka u qabteen dowladda dhexe si ay wax uga qabato dhibaatooyinka wadanka ka jiro gaar ahaan hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Mr.Odinga oo ay garab taagnaayeen hoggaamiyayaasha kale ee isbeheysiga Azimio ayaa ku adkeystay in maamulka Kenya Kwanza uu yahay mid aan sharci ahayn.
Waxaa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay isu soo baxaan oo ay ka qayb qaataan dibadbaxyada waawayn oo ka dhacaya guud ahaan wadanka.
Raila ayaa ku boorriyay dhammaan shaqaalaha, dhakhaatiirta, macallimiinta, kalkaaliyaasha, ardayda iyo ganacsatada in ay ku biiraan tallaabadan ballaaran, si meesha looga saaro dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto.
“Laga bilaabo maanta iyo hadda waxaan si rasmi ah u cadeynayaa in uu billowday kacdoon ka dhan ah maamulka Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr.Odinga.
Waxaa uu sheegay in mudaaharaadyada waaweyn ay ka mid noqon doonaan diidmo, qaadac, mudaharaad salmi ah iyo shaqo joojin.
Ra’iisul wasaarihii hore wadanka ayaa ugu dambeyn sheegay in 20-ka bishan uu dibadbax weyn ka dhici doono caasimadda dalka ee Nairobi.
March 20th it is! Let the action begin, we have a date with destiny.
Ruto Must Go. pic.twitter.com/nJX4G2ekTC
— Raila Odinga (@RailaOdinga) March 9, 2023