Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka difaaca oo sheegay in la cirib tiri doono burcadnimada

Wasiirka difaaca oo sheegay in la cirib tiri doono burcadnimada

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay cirib tirka falalka burcadnimo ee saameeyay Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Ducaale ayaa xusay in howlgallada amni ee ka socdo ismaamullada ay ka midka yihiin Baringo, Elgeyo Marakwet iyo Samburu looga gol-leeyahay in lagu soo celiyo xasiloonidii jirtay.
Wasiirka oo halkaasi socdaal ku tagay ayaa cadeeyay in laga guulaysan doono burcadda dilalka iyo dhaca xoolaha ka gaysanaya 6 ismaamul.
Ducaale ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee ay hor kacayaan militariga aynan ka soo bixi doonin goobaha ay ku sugan yihiin ilaa iyo inta si buuxda looga adkeynaya ammaanka waqooyiga Rift Valley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments