Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanaddi ugu horreysay

Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanaddi ugu horreysay

Madaxweynaha dalka William Ruto oo qoraal soo saaray ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta Grace Onyango oo geeriyootay.
Waxay horay madax uga soo noqotay Kisumu sidoo kalena waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay taariikhda wadanka ee ku biirtay baarlamaanka.
Ruto ayaa sheegay in Grace ay dumarka u furtay waddada hoggaanka siyaasadeed.
Waxaa uu ku tilmaamay haweeney geesiyad ahayd , waddaniyad ay ku dayan jireen dad badan.

Grace Onyango ayaa geeriyootay galinkii dambe ee shalay iyadoo 98 sano jir ah xilli lagu daaweynayay isbitaalka guud ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital (JOOTRH) ee ismaamulka Kisumu.
Intii u dhexeysay sanadihii 1965-1969 ayay maamulaysay Kisumuu waxaana sanadkii 1969-kii loo doortay xildhibaanka bartamaha Kisumu.
Sanadihii ay xubin ka ahayd golaha qaran ee xeer dejinta waxaa lagu xusuustaa inay si firfircoon uga hadli jirtay xuquuqda dumarka.
Sidoo kale laga billaabo 1979-1984 ayay Grace Onyango ahayd guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.
Waxaa sidoo kale geerideeda ka tacsiyadeeyay madaxa isbeheysiga mucaaradka Raila Odinga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments