Raila Odinga oo la filaya inuu maanta bayaan ka soo saaro qorshaha mucaaradka

0
214

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa la filayaa inuu maanta mowqifkiisa cadeeyo.
Saqdii dhexe ee xalay ayay ku ekeyd muddo 14 cisho oo ay siyaasiyiinta mucaaradka u qabteen dowladda dhexe si ay wax uga qabato dhibaatooyinka dalka ka jiro gaar ahaan hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Sidoo kale mucaaradka ayaa dowladda ka dalbaday inay soo celiso miisaaniyaddii ay ku kaabi jirta cunnada oo ayna yareyso canshuurta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa 22-kii bishii labaad ee sanadkan wacad ku maray in haddii dowladdu aynan arrimahan wax ka qaban inuu hoggaamin doono dibadbaxyo waawayn oo ka dhacaya guud ahaan wadanka.
Hoggaamiyaasha isbahaysiga Azimio ayaa ku goodiyay in iyaga iyo taagerayaashooda ay xoog ku gali doonaan xafiiska maaliyada ee dalka.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa shalay shir jaraaid ka sheegay in Raila Odinga uu maanta shaacin doono tallaabada xigta ee ay guda galayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here