Waxaa lagu soo warramayaa in shaqo joojin guud laga dareemaya magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee dalka Falastiin hal maalin un ka dib markii ciidamada Israa’iil ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 6 qof iyagoo dhaawacay 11 kale.
Waxaa saaka albaabada loo laabay meheradaha ganacsi ee ku yaalla magaalooyinka Jenin, Nablus iyo Ramallah iyadoo ganacsatada ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilalka la gaystay.
Issam Bakr oo u dhashay dalka Falastiin ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sii xoojinaysa dibadbaxyada ka dhanka ah ciidamada militariga Israa’iil.