Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa hiigsaneysa in 131,000 oo carruur ah ay sanad waliba ka tallaasho cudurka duumada.
Carruurtan ayaa ku nool 25 deegaan hoose ee ku yaalla ismaamullada ku hareeraysan harada Victoria.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Kenya Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in tallaalka duumada laga qaybiyay dowlad deegaannada kala ah Kisumu, Siaya, Homa Bay, Vihiga, Busia, Bungoma, Migori iyo Kakamega.
Waxaa uu intaasi ku daray in tallaalka uu yahay mid badqab oo waxtar leh, tan iyo markii la billaabay adeegsigiisa maadaama ay hoos u dhacday dhimashada carruurta ee ka dhalata cudurka duumada.
Barasaabka ismaamulka Vihiga Wilber Khasilwa Ottichilo ayaa dhankiisa sheegay in tallaalkan uu ka hor tag u yahay carruurta si looga badbaadiyo cudurka duumada.
1/ Today marks a significant milestone in the fight against malaria in Kenya as the Ministry of Health launches the expansion of malaria vaccination in 25 sub-counties in the country's lake endemic regions. pic.twitter.com/rvZwBupTZt
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) March 7, 2023
10/ The Ministry of Health is committed to achieving equitable, affordable, accessible, and quality healthcare for all citizens of Kenya through its Primary Health Care vision and universal health coverage approach. pic.twitter.com/USb1MYGHOH
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) March 7, 2023