Wasiirrada wasaaradaha difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan wada hadallo ku aaddan qorsho hub lagu siinaya dowladda Ukraine oo uu weli duullaan militari ku haya Ruushka.
Qorshahan ayaa ku kacaya ilaa hal bilyan oo Euro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saaxiibbada xukuumadda Kyiv cadaadis xooggan lagu saaraya inay kordhiyaan taageerada militari .
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa sheegaya in haddii magaalada Bakhmut ee ku taalla bariga wadankaasi ay gacanta u gasho Ruushka , in xukuumadda Moscow ay heli doonto waddo furan oo ay duullaan culus uga sii gaysan karto gudaha Ukraine.