Malaayiin qof oo dibadbaxyo ka dhigay Faransiiska

0
324

Qaar ka mid ah shacabka dalka Faransiiska oo tiro ahaan lagu qiyaasay 1.28 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay dibadbaxyo halkaasi ka dhacay.
Dadweynaha ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan isbeddello uu hannaanka howlgabka ku sameynaya maamulka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Waxaa isbeddellada ka mid ah in da’da shaqada looga fadhiista ee wadankaasi oo hadda ah 62 sano in laga dhigo 64 sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Mudaharaadyada qaran ee ka dhacay Faransiiska ayaa la sheegay inay ka qayb galeen dadkii ugu tirade badnaa .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaybo ka mid ah magaalada Paris laga soo tabiyay isku dhacyo u dhexeyey booliiska iyo dibadbaxayaasha.
Saraakiisha ammaanka ee Faransiiska ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 22 qof oo ka mid ah dadkii mudaharaadka dhigayay.
31-dii bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii dibadbax kale oo dalkaasi laga sameeyay ay ka qayb qaateen 1.27 milyan oo ruux.