Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku amartay inuu xannibaad saaro akoonnada bangiyeed ee 5 shirkadood.
Lacagta la xannibay oo qiimo ahaan dhan 46 milyan oo shilin ayaa la sheegay in dowladda ismaamulka Isiolo ay si aan habbooneyn ugu wareejisay shirkadahan.
Sida ku cad barta rasmiga ee Twittarka guddiga EACC waxaa lacagtan la bixiyay 22-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore si cunnooyin kala duwan loogu soo iibiyo baabuurna loogu kireeyo xafiiska barasaabkii hore ee ismaamulkaas.
EACC ayaa sheegtay in lacagtan la bixiyay in kastoo aan la fulin qandaraasyadii loo qorsheeyay.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkadaha xayiraadda bangiyeed la saaraya ay kala yihiin Almasiās Store Ltd, Rayan Provision Stores Ltd, Dabasiti Contractors and Suppliers Ltd, Noyasu Construction Company Ltd iyo Choke Construction Company Limited.