Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Weerar qaraxyo culus ku billowday oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ee...

Weerar qaraxyo culus ku billowday oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cabdalle, ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaa saaka salaaddii subax ka dib laga maqlay qarax weyn kaas oo ay xigtay rasaas culus sida ay sheegeen dadka deegaanka.
War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay baraha intarneetka ee iyaga taageera ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka ku qaadeen
Hasa ahaate ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Shabaab, waxaase wararku sheegayaan in halka uu wali dagaal ka socdo.
Sidoo kale lama oga ilaa iyo hadda khsaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay maadaama xogtu ay aad u koobantahay.
Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamo kala duwan oo isugu jira milateriga Soomaaliya, kuwa daraawiishta Jubaland iyo ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku leeyihiin saldhig weyn.
Bishii Koowaad ee sanadkan ayaa ciidamadu halkaa kala wareegeen Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka socdaan howgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaannada qaar.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Shabaab ay weerar ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda, oo marar kala duwan ayay weerarro iyo qaraxyo ka gaysteen saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Wixii faahfaahin ah oo ku soo kordha warkan halkan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments