Ra’iisul wasaaraha Canada oo amray in la eego faragelin lagu eedeyay Shiinaha

0
168

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo faragelin shisheeye oo la soo tabiyay in lagu bartilmaameedsaday doorashooyinkii wadankaasi ka dhacay.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Shiinaha lagu eedeyay inay faragelisay doorashooyinkii Canada ee 2019 iyo 2021-kii.
Waxaa uu Justin xusay inuu dambi baare madax bannaan oo gaar ah u xil saari doono xaqiijinta eedeyntan.
Justin Trudeau ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu tallaabo qaado ka dib markii warbaahinta maxalliga ee dalkaasi oo soo xiganaysa ilo wareedyo dhanka sirdoonka ah oo aan la shaacin ay tabisay in xukuumadda Beijing ay fulisay qorsho ay ku saameysay doorashooyinkii dalkaasi ka qabsoomay.