Ra’iisul wasaaraha India oo warqad hambalyo ah u diray dhigiisa wadanka Pakistan

0
561

Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa warqad uu u soo diray dhigiisa wadanka Pakistaan Imran Khan ugu hambalyeeyay maalinka sanadlaha ah ee 23 maarso oo ku beegan heshiiski Lahore kaas oo dhabbaha loogu xaarayay xurnimada dalkaasi Pakistan 1940-kii
Ra’iisul wasaare Modi waxaa uu shaaca ka qaaday sida dowladdisu ay u doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi Pakistan.
Labadan dal ee dariska ah ayaa ku hubaysan hubka wax gumaada ee Nuclear-ka ah waxaana ka dhaxaysay colaad soo jireen ah.
Laba sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan oo magacoodu qariyay ayaa wakaladda wararka ee AP u xaqiijiyay warkan.
Warqadan ayuu Narendra Modi shaaca kaga qaaday rabitaankiisa ku aaddan xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dadka dalka Pakistan.
Waxaa uu ku xaqiijiyay sida ay lama huraanka u tahay abuurista jawi amni oo ka dheer argagax iyo cadaawad.
Arinkani waxaa uu daba socday dhaqdhaqaaqyo ay ka muuqato isku soo dhawaansho ay toddobaadyadii u dambeeyay ay samaynayaan dhinacyadu .