Danstan Omari oo ah wakiilka wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i ayaa warbaahinta u sheegay in mas’uulkan hore uunan maanta iska xaadirinin xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da sida uu qorshuhu ahaa.
Qareen Omari ayaa sheegay in aynan jirin warqad sax ah oo muujineysa in mas’uulkan hore looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda DCI-da, islamarkaana uusan ka warqabin baaritaanada isaga ka dhanka ah.
Hasa ahaate uu soo dhaweynaya tallaabo kasta oo ay qaadaan saraakiisha iyagoo gudanaya waajibaad dastuuri ah.
Matiangi ayaa dalka dib ugu soo laabtay habeenkii Sabtida ka dib safar qaatay labo toddobaad oo uu ku joogay Ingiriiska.
Waaxda DCI-da ayaa dooneysa in mas’uulkan hore ay su’aallo ka waydiiso howlgal uu 8-dii bishii hore sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi in kastoo laanta dambi baarista , guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, wasaaradda arrimaha gudaha iyo adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay beeniyeen in howlgalkaasi uu dhacay.
Sidoo kale guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa doonaya inay ogaadaan hantida uu Fred Matiang’i yeeshay intii u dhexeysay sanadihii 2013-2022-kii oo xilliyadaasi wasiir ahaa.