Hoggaamiyaha dalka Qatar , Sheekh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa walaac ka muujiyay in xilliga ku habboon aan gargaar baniaadannimo la gaarsiin dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay dhulgariirkii saameeyay Syria.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qalad tahay in lagu takriifalo caawimaadda baniaadannimo iyadoo loo aaneynaya dano siyaasadeed.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta magaalada Dhooxa ee caasimadda Qatar uu ka furay shirka qaramada midoobay ee dalalka ugu hooseeya dhinaca horumarka.
Waxaa uu Amiirka Qatar soo jeediyay in loo baahan yahay in la caawiyo shacabka Syria iyadoo aan laga caga jiidin.
Sidoo kale waxaa uu codsaday in dowladda Turkiga garab lagu siiyo dadaallada ay uga soo kabanaysa saameynta dhulgariirkii xooggana ee ku dhuftay bishii hore.