Maxkamadda Belarus oo xukun 10 sano ah ku ridday qof ku guulaystay billadda nabadda

0
464

Maxkamad ku taalla dalka Belarus ayaa xukun xabsi oo 10 sano ah ku ridday Ales Bialiatski oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha.
Ninkan ayaa ka mid ahaa dadkii sanadkii 2022-kii ku guulaystay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize.
Bialiatski iyo saddex ka mid ah mas’uuliyiinta xarunta u doodda xuquuqul insaanka ee Viasna Human Rights Centre ee uu isaga bilaabay ayay maxkamaddu sheegtay inay maalgeliyeen dibadbaxyo ka dhan ahaa dowladda Belarus.
Waxaa gacanta lagu dhigay ka dib dibadbaxyo waawayn oo wadankaasi ka dhacay oo ay shacabka uga soo horjeedeen in sanadkii 2020-kii uu madaxweyne Alexander Lukashenko mar kale qabtay talada dalkaasi.
Lukashenko oo Belarus hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1994 ayaa lagu eedeyay inuu caburiyay mucaaradka sidoo kalena maamulkiisa uu howlgallo bartilmaameedsi ah ku qaaday warbaahinta madaxa bannaan.
Madaxa dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee dalka Belarus ,Sviatlana Tsikhanouskaya ayaa dhaliishay xukunka maxkamadeed ee la saaray Ales Bialiatski waxayna ku tilmaantay cadaalad darro.