Wasiir Janan oo faahfaahiyay qoddobada uu dowladda dhexe kula heshiiyay

0
597

Waxaa Maanta Gaaray Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doollow wafdi ka socda dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay horkacayaan Mas’uuliyiin ka socda wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee dowladda Fedraalka Soomaaliya hor u dhacna u ah wafuud kale oo ku wajahan gobolkaasi Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ay heshiisyo la saxiixan doonaan wasiirka amniga Jubbaland ee Xilka laga qaaday Cabdirashiid Janan oo ku sugan deegaan aan sidaas uga fogayn degmada Doollow.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa dhankiisa wuxuu Maanta shaaciyay ilaa 5 qodob oo ay ku heshiiyeen isaga iyo dowladda Federaalka, kuwaasoo sababay inuu dowladda kusoo biiro islamarkaana la xalliyo wixii Khilaaf ahaa ee hora uga dhex jiray.
Qodobada ay ku heshiiyeen Wasiir Janan iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay kamid yihiin.
1.Inuu heshiiskaan Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland
2 Inay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah, Ciidankaasna ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya
3 In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay,
Iyo ugu danbayn inuusan siyaasadda dalka Soomaaliya ka bixi doonin ama uu qayb ka sii ahaan doono dhinacyada siyaasadeed ee wadanka ka jira.
Sidoo kale Janan waxaa uu sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusana dooneyniin inuu qayb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here