Waxaa laga cabsi qabaa in xaaladda baniaadanimo ee ka taagan Geeska Afrika ay sii xumaato abaarta daba dheeraatay awgeed.
Tani ayaa loo aaneynaya saadaal ah in markii 6-aad la waayn karo roobab horay u da’i jiray inta u dhexeysa bilooyinka Saddexaad ilaa Shanaad.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa laga soo xigtay in gudaha waddamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya in ka badan 8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunno.
Ilaa 332,000 oo dadkan ka mid ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah maadaama ay noloshooda ku jirta halis sare.
Talaadadii ayay ahayd markii ay UNHCR codsatay lacag dhan 137 milyan oo doolar si ay caawimaad nolol badbaadin ah ugu fidiso in ka badan 3 milyan oo ah qaxooti iyo barakacayaasha gudaha ee ku nool saddexda dal.
Gudaha Soomaaliya keliya , waxay colaadaha iyo abaarta barakiciyeen 288,000 oo ruux.
Hay’adda ayaa sheegtay in ugu yaraan 180,000 qof oo qaxooti ah oo ka yimid Soomaaliya iyo Suudaan ay u soo gudbeen Kenya iyo Itoobiya.