Guddiga doorashooyinka ee dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in musharraxii xisbiga talada haya ee APC, Bola Tinubu uu ku guulaystay xilka madaxtinnimo ee wadankaasi.
25-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii Nigeria ay ka dhacday doorasho guud oo si wayn loogu tartamay.
Tinubu oo helay 8.8 milyan oo codad ah ayaa garabka mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan in loolanka loogaga adkaaday.
Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee Nigeria soo hoggaaminayay muddo labo xileed oo ka kooban min afar sano Muxammadu Buhari ayaa u hambalyeeyay Bola.
Waxaa uu sheegay inuu si habsami leh ugu wareejin doono hoggaanka Nigeria.